Dowladda Turkiga oo Si Adag u Cambaareysay Weerarkii Ka Dhacay Degmada Ceeldheer
Wasaaradda Arrimaha Dibadda dowladda Turkiga ayaa si adag u cambaareysay weerarkii shalay Shabaab ay ku qaadeen degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, halkaasoo ciidanka dowladda ay si adag iskaga difaaceen.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibada ayaa lagu sheegay in turkiga uu garab taagan yahay Shacabka Soomaaliyeed.
“Waxaan aad uga xunnahay khasaaraha nafeed iyo midka dhaawac ee ka dhashay weerarkii argagixisanimo ee ka dhacay Ceel-dheer,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibada.
Qoraalka Wasaaradda ayaa intaasi kusii daray “Turkiga waxa uu sii wadi doonaa garab istaagga Soomaaliya ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada”
Wasaaraddu waxay u rajaysay Allaha u naxariisto intii ku geeriyootay, waxay tacsi u dirtay qoysaskii ay ka geeriyoodeen iyo dowladda Soomaaliya, sidoo kale waxay caafimaad u rajeysay dadkii ku dhaawacmay.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in weerarkii shalay ay ku dishay 47 xubnood oo ka tirsanaa ururka Al Shabaab.