U bood dhigaalka

Meydka Wariye Muddo La Raadinayay oo Meydkiisa Laga Helay Xeebaha Dalka Giriigga

Baadi-goob maalmo qaatay oo lagu raadinayay wariye ka tirsan Telefishinka Britain oo lagu magacaabo Michael Mosley, ayaa ugu dambeyn meydkiisa la soo saaro Jaziirad ku taalla dalka Giriiga, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dalkaasi.

Afhayeen u hadlay booliiska ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in meydka laga helay meel xeeb ah oo dhagxaan ah, waxaana la sugayaa in si rasmi ah loo aqoonsado.

67-jirkan ayaa lagu waayay jasiiradda Symi galabnimadii Arbacada kadib markii uu socdaal dhanka badda ah u ambabaxay,Xaaskiisa ayaana ku wargalisay maamulka ka dib markii uu soo laaban waayay.

AP ayaa sidoo kale soo xigatay Lefteris Papakalodoukas oo ah duqa jasiiradda,kaasoo la socday doon ay la socdeen wakiilo warbaahineed oo raadinaya Mosley, maalintii shanaad ee baaritaanka, isagoo xaqiijinaya in meydka la rumeysan yahay inuu yahay Mosley la helay.

Maayarku waxa uu sheegay in Mosley uu u muuqday mid ku dhacay meel mool ah, islamarkaana uu galay xayndaaba, isla markaana uu u jiifay dhawr dhagax oo ay ka dul-saarnaayeen.

Jirka ayaa hal gacan ku haystay bac, ayuu yiri Antonis Mystiloglou oo ah sawir qaade ka tirsan TV-ga dawladda ee ERT, oo isna la socday doonta.

Mosle ey waxaa aad loogu yaqaanaa barnaamijyo taxane ah oo telefishan British-ka ka bixi jiray, oo ay ku jiraan taxanaha BBC-da I aamin, waxaan ahay dhakhtar iyo tiro dokumentariyo ah oo ku saabsan cuntada iyo jimicsiga.