U bood dhigaalka

Al-Shabaab oo Laga Saaray Deegaanka Buulo Xaaji iyo Ra’iisul Wasaare Xamse oo Ka Hadlay

Ciidanka Daraawiishta , Nabadsugidda ee Jubbaland iyo Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka ee Danab ayaa howlgal ka dhan ah Shabaab ka wada deegaanka Buulo Xaaji oo qiyaastii 80KM dhanka galbeed ka xigta magaalada Kismaayo.

Ciidamada ayaa sidoo kale howlgal amni xaqiijin ah ka sameeyay tuulooyinka hoostaga deegaanka Buuloxaaji oo ah deegaan istaraatiiji ah.

Ujeedka howlgalkan laga leeyahay ayaa ah in firxadka Argagixisada aysan u jihaysan dhanka degmada Badhaadhe maadama Ciidamada Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ay wadajir howlgal xoogan uga sameenayaan waqooyiga gobolka Jubada hoose.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa hambalyo u diray Ciidanka. waxaa uu sheegay in howlgalka uu yahay mid guuleysatay.

“Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Ciidamada geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Jubbaland oo saaka si buuxda ula wareegay Deegaanka Buulo-Xaaji ee Gobolka Jubbada Hoose oo 80KM dhanka Koonfur Galbeed kaga beegan Magaalada Kismaayo” ayuu yiri Mudane Xamsa Cabdi Barre

Waxaa uu intaasi kusii daray “Waxaan ku ammaanayaa saraakiisha hawlgalka hoggaamineysay iyo ciidamada sida geesinimada, Dadaalka iyo Daacadnimadu ku jirto uga xoreynaaya Khawaarijta deegaanada fara kutiriska ah ee ay gacanta ku hayaan”.

Ugu dambeyntii Mudane Xamsa ayaa sheegay Dowladdu gacan waxay kula dirirayso Shabaab, gacanna waxay ku daryeelaysaa shacabkeeda, waxaana dadka iyo deegaankuba heli-doonaan adeegyada aas-aasiga ah sida waxbarasho, Caafimaad iyo Nabadgalyo si la mid ah deegaanadii kale ee laga xoreeyay Shabaab.