U bood dhigaalka

Booliiska Gobolka Banaadir oo Howlgal Ka Sameeyay Muqdisho iyo Dad Lagu Soo Qabtay

Booliska Soomaaliya gaar ahaan Taliska qeyta guud ee Gobalka Banaadir oo kaashanaya Hay’addaha kale ee nabad-galyada caasimada iyo Maamulka Gobalaka Banaadir ayaa Howlgal ka fuliyay Dagmooyinka Dharkeynley, Wadajir Garasbaaleey, iyo Yaaqshiid, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay Booliiska.

Howl-galka waxaa lagu soo qabtay 16 eedeysane oo geestay falal isku jira dil dhaawac iyo dhac dadweyne, waxaana ku jira shabakado abaabulan, kuwaas oo ay ku socdaan baaritaanno kala duwan, islamarkaana la horgeyn doono Maxkamadda awooda uleh.

Booliska ayaa dalbaday dadweynaha in hadii ay la kulmaan falal ammaanka liddi ku ah ay la xariiraan 991, ama ku wargeliyaan saldhigga ugu dhow goobta ay joogaan.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli maalmihii la soo dhaafay degmooyinka Dharkeynley iyo Garasbaaleey laga soo warinayay falal isugu jira dil iyo dhac oo ay kooxo hubka fudud wataahi shacabka u gaysanayaan