U bood dhigaalka

Hey’adaha Caalamiga ah oo Ka Digaya Macluul Baajsan oo Ka Dilaacda Sudan

Ururka dhaqaatiirta dalka Suudaan ayaa ku eedeeyay ciidamada gargaarka degdega ah ee RSF ah inay xoog ku galeen isbitaallo ku yaalla dalkaas, islamarkaana ay sabab u noqdeen inay joogsado shaqadii ka socatay.

Kooxo u ololeeya barakacayaasha iyo qaxootiga ku sugan Darfur ayaa shaaca ka qaaday in xarun caafimaad oo ku taal xerada Abu Shuk oo ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah lagu duqeeyay saddex madfac, waxaana ka dhashay dhaawaca in ka badan 30 qof iyo laba ruux oo dhimasho ah.

Sidoo hay’adaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah ayaa ka digaya in cunno yarida ka dhalatay dagaallada ka socda 12 ka mid ah 18-ka gobol ee dalka ay isku badasho macaluul baahsan.

tiro ka mid ah laamaha Qaramada Midoobay iyo hay’adaha caalamiga ah ayaa ku baaqay in Suudaan laga badbaadiyo masiibo bini’aadantinimo oo sababi karta in malaayiin ruux ay ku dhintaan.

Dagaalka Suudaan ayaa socda sanad iyo dhowr bilood, waxaana ku dhintay kumanaan qof, halka baraca iyo burburkuna ay gaareen meeshii ugu xumayd.