U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Gaaray Dalka Norway, Wax Ka Ogow Ujeedka Safarkiisa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ku sugan magaalada Oslo ee dalka Norway, waxaana halkaas kaga qeyb-galayaan shir caalamiga ah ee Oslo forum oo dhowaan halkaas ka furmaya.

Shirkan oo uu guddoominayo wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Norway ayaa looga hadlayaa nabadda iyo xasiloonida adduunka, waxaana ka qeyb-galaya madax iyo wakiillo ka socda in ka badan 50 dal, hay’ado waaweyn iyo ururro caalami.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa la filayaa inuu shirka socdo kulamo doceedyo kala duwan la yeelan doona madaxda ka qeyb-galaysa, iyo hoggaanka dalka Norway, asagoo la wadaagi doona
hormarka ay Soomaaliya ka gaartay nabadda iyo dib u dhiska dowladnimo ee dalka, iyo guulaha dagaalka ka dhanka kooxda Alshabaab, iyo kobaca dhaqaalaha.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa kulan la yeelan doona Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway iyo dalalka iskaandaneefiyaanka, wuxuuna kala hadli doona halka ay marayso xaaladda dalku, guulaha la gaaray, iyo qorshaha dowladda sida ay sheegtay villa Soomaaliya.