U bood dhigaalka

Ukraine oo Sheegatay in Diyaarad Dagaal ay Ku Burburisay Gudaha Ruushka

Ciidamada Ukraine ayaa duqeeyey diyaarad dagaal oo Ruushku leeyahay oo nooceedu ahaa Sukhoi Su-57, taasoo ku sugneyd saldhig ciidamada cirka ah oo ku yaalla gudaha Ruushka, sida ay sheegtay hay’adda sirdoonka ee Kyiv’s GUR.

Mid ka mid ah dadka caanka ah ee Ruushka u dooda dhanka baraha bulshada, iskuna magacaabay Fighterbomber ayaa sheegay in warbixinta duqeynta ee Su-57 ay tahay mid sax ah, isla markaana ay duqeysay diyaarad aan duuliye lahayn.

Hay’adda sirdoonka dalka Ukraine waxa ay tibaaxday in diyaarada ay taagneyd garoonka diyaaradaha ee Akhtubinsk, oo 589km u jira jiidda hore ee dalka Ukraine, waxayna intaas ku dartay in diyaaradda ay awood u leedahay in ay qaado gantaallada qarsoodiga ah ee boqollaal kiilo mitir.
Dagaalka Ruushka iyo Ukraine oo billowday sanadkii 2022, ayaa sababa khasaare nafeed oo baaxad leh, waxaana hadda muuqanaysa in Ciidanka Ukraine ay sameynayaan weerarro rogaal celis ah oo xoogga leh.