U bood dhigaalka

Wasiirka Maaliyadda oo Maanta Muqdisho Ka Shirka Dib u Habeynta Maaliyadda Dalka

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta daah-furay shirka dib-u-habeynta Maaliyadda ee Dowladda Soomaaliya iyo Hey’adda lacagta Adduunka ee IMF, kaasi oo lagu gorfeynayo Lix Bilood kadib hannaankii deyn cafinta waxa iska badalay dhaqaalaha Soomaaliya iyo halka la hiigsanayo 3-da sano ee soo socota.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo furitaankii Shirka hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay Wasaaradda Maaliyadda iyo guud ahaan hey’adaha Dowladda Soomaaliya ay gaareen hormar la taaban karo oo ay ugu horeeyaan, horumarinta ilaha dakhliga oo dadaal dheer ay galisay Wasaaradda Maaliyadda oo kaashanaysa Wasaaradaha Dowlad-Goboleedyada Dalka.

Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa ku amaanay Hey’adda IMF iyo Bangiga Adduunka sida hufan oo ay ula shaqeeyaan Dowladda Soomaaliyeed, sidoo kale Wasiirka ayaa u mahadceliyay dhammaan hey’adaha ka soo qeybgalay kulankaan oo ay ka mid yihiin, Wasaaradda Qorsheynta, Wasaaradda Cadaaladda, Bangiga Dhexe, Xafiisyada Madaxweynaha, Ra’isul Wasaaraha iyo Xisaabiyaha Guud.