Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay qaraar uu ku taageerayo hindise xabbad-joojin ah oo uu Maraykanku soo jeediyay, kaas oo looga gol leeyahay in lagu soo afjaro dagaalka siddeedda bilood ay Israa’iil ku hayso marinka Qasa.
14 dal oo kamid ah 15-ka xubnood ee golaha ayaa qaraarka oggolaaday, halka Ruushku uu ka aamusay, taasoo ka dhigan in cod aqlabiyad ah lagu ansixiyay.
hindisahan oo uu horey ugu dhawaaqay madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa dhigaya xabbad-joojin lix toddobaad ah oo bilowga ah iyo in qaar ka mid ah maxaabiista Israa’iil ee lagu hayo Qaza iyo kuwa Falastiiniyiintaah ee ku xiran xabsiyada Israa’iil lays dhaafsado.




From the comments