Dowladda Malawi ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay Madaxweyne ku xigeenkii dalka Malawi Saulos Chilima iyo 9 qof oo la socday in ay dhinteen ka dib markii ay la dhacday diyaarad ay shalay kala raceen magaalada caasimadda ah ee Lilongwe.
Madaxweynaha dalka Lazarus Chakwera ayaa sidaasi sheegay. Haraaga burburka diyaaradda ayaa laga helay meel u dhow buur “taas oo gebi ahaanba burburtay” iyadoo aanay jirin cid ka badbaaday, ayuu yiri.
Burburka diyaaradda uu la socday madaxweyne ku xigeenka Malawi cidina kam badbaadin, sida uu sheegay madaxweyne Lazarus Chakwera.




From the comments