U bood dhigaalka

Baarlamaanka Galmudug oo Ansixiyay 3 Degmo oo Kusoo Biiray Degmooyinkii Jiray

Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta yeeshay kulankoodii 2aad ee Kalfadhiga 10aad, waxaana shir Guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Dr Maxamed Nur Gacal oo ay ku wehliyeen labadiisa Ku xigeen.

AJANDAHA KULANKA:

1. Ansixinta Sharciga Degmeynta Degmooyinka Gadoon, Godinlabe iyo Xeradhagaxley

2. Taageerada dadaalka Nabadda ee Guddiga Xukuumaddu ka wado Deegaanada Cabuudwaaq iyo Xeraale

3. Dhaarinta Wasiirada Cusub ee uu dhawaan Magacaabay Madaxweynaha Galmudug.

Ugu horey Kulanka maanta ee Golaha ayaa lagu dhaariyey Wasiirada Gaadiidka iyo Duulista Hawada, ku xigeenkiisa iyo Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Galmudug.

kadib Golaha ayaa Cod Aqlabiyad ah ku ansixiyey kuna meel-mariyey Sharciga Degmeynta, Degmooyinka Gadoon, Godinlabe iyo Xeradhagaxley oo kamid noqonaya Degmooyinka Dawlad Gobaleedka Galmudug, kadib markii ay soo buuxiyeen Shuruudihii Degmanimo ayna soo ansixiyeen Golaha Wasiirada Galmudug.

Gudoomiye-yaasha Degmooyinka Gadoon, Godinlabe iyo Xeradhagaxley ayaa Guddoonka iyo Xildhibaanada Golaha Wakiillada Galmudug uga mahad-celiyay Ogolaashaha iyo Ansixinta Degmooyinkaas.

Kulanka Golaha ee maanta ayaa baaq nabadeed loogu diray beelihii ay dirirtu ku dhex martay deegaanada Cabuudwaaq iyo Xeraale, waxaana Goluhu Magacaabay Guddi Baarlamaan oo kala shaqeeya Xukuumadda Heshiisiinta Beelaha uu dhex maray Dagaalka Sokeeye.