Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo guddoomiyey Shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, kaasoo siweyn looga hadlay arrimaha amniga ku saabsan.
Golaha ayaa wasiirka dhaashaandhigga ka dhageystay warbixin ku saabsan bixitaanka ciidanka ATMIS iyo qorshaha u diyaar garowga Ciidanka Qaranka uu kula wareegi lahaa mas’uuliyadda amniga guud ee dalka, marka ay baxaan bisha Diseember 2024.
Golaha Wasiirrada ayaa bogaadiyey howlgallada dalka looga sifeynayo kooxaha Al-shabaab ee ciidamada geesiyaasha Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka wadaan gobollada dalka, gaar ahaan dagaalladii ugu danbeeyey ee ka dhacay Jubbaland iyo Galmudug oo ay guulo waaweyn ka gaareen.




From the comments