U bood dhigaalka

Ruushka oo Maxkamadeynaya Wariye Mareykanka ah oo Basaasnimo Lagu Eedeeyay

Dacwad oogayaasha Ruushka ayaa sheegay in saxafiga Mareykanka ee Evan Gershkovich la horgeyn doono maxkamad magaalada Ural, kadib markii lagu eedeeyay inuu u shaqeynayay hay’adda CIA-da Mareykanka.

Gershkovich oo 32 jir ah ayaa lagu eedeeyay ururinta macluumaadka sirta ah ee amarrada CIA-da ee ku saabsan Uralvagonzavod, oo ah xarun soo saarta oo dayactiraysa qalabka milatariga Ruushka sida lagu sheegay bayaan uu soo saaray Xaafiiska dacwad-oogaha guud ee dalkaasi.

wariyahan oo ka tirsan wargeyska Wall Street Journal, ayaa xabsiga ku jiray tan iyo markii lagu xiray magaalada Yekaterinburg, oo qiyaastii 1,400 kilomitir u jirta caasimadda Moscow, kana xegta dhanka bari 29-kii March sanadkii 2023, waxaana lagu eedeeyay basaasnimo.