Maanta oo sabti in kabadan 2 Million oo Xujey Muslimiin ah ayaa taagan Buurta Carafo oo kamid Tiirarka ugu weyn gudashada Xajka, Xujeyda ayaa halkaan taga maalinta 9-ka bisha Carafo, waxaana maalinta bari ah ay ku began tahay maalinta koowaad ee Cuudul Axda.
Muslimiinta sanadkaan ayaa waxaa ku jiro kumannaan Soomaali ah oo ka kala tagay Soomaaliya, Jabuti, Kenya, Itoobiya, iyo dhammaan qaaradaha caalamka, si ay u gutaan waajibaadka Xajka, sanadkaan ayaa tiridii ugu badneyd ee Soomaali ah ay gaareen magalada Maka.
Umadda Muslim ah ee aan haleelin gudashada waajibaadka Xajka ama istaagga manta Buurta Carafo, ayaa intooda badan ah kuwa Sooman, waxaana caalamka oo dhan ka socda diyaar garowga maalinta ciidul Adxa oo ku beegan oo maalinta barri oo Axad ah 16-ka May 2024.




From the comments