Iyadoo ay maanta Muslimiin dunida u tahay dharaarta koobaad ee ciiddu adxaha ayaa madaxda iyo hoggaamiyaasha dalalka Islaamku waxay salaadda ciidda la oogeen kumaan dadweyne ah, ayagoo shucuubta Islaamka ugu hambalyeeyay maalintan farxadda iyo niyaayarka huwan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo ku jooga dalka Turkiga ayaa salaadda Ciidda Carafo kula tukaday Masjid ku yaala magaalada Ankara Madaxweyne ku xigeenka dalkaasi mudane Cevdet Yılmaz iyo qaar ka mid ah bulshada muslimiinta ah ee ku nool dalka Turkiga.
Madaxweynaha ayaa sidoo muuqaal laga soo duubay ugu hambeeyay shacabka Soomaaliyeed meel walboo ay joogaan, asagoo ugu baaqay inay is kaalmeeyaan oo qoysaska dan’yarta ah ka farxiyaan.




From the comments