U bood dhigaalka

Caadoonyinka Yaabka Leh oo ay Bulshada Muslimiinta ay Sameeyaan Maakmaha Ciidda

Ciiddu waxay guud ahaan Muslimiinta meel walboo ay joogaan ugu suntantahay amin farxadeed, oo ay damaashaad iyo niyaayar ku qaataan, balse waxaa jira caadooyin la yaab leh ama waxyaabo cajiib ah oo dharaarahan sameeyaan bulshooyinka islaamka ee dalalka kala duwan ku nooli.

Masar daqiiqaha ugu horreeya ee subaxda ciidda dadku waxay aadaan xabaalaha ama qabuuraha, ayagoo u soo duceeya dadka ku aasan, ka dibna waxay oogaan salaadda iyo gowraca xoolaha udxiyada ah, ayadoo gobollada qaar dhiigga neefka. La qalay darbiga guriga la mariyo, si loo muujiyo in qoysku xoola udxiyo ah gowracay.

Liibiya neefka udxiyada ah ama maalmaha ciidda la qalayo dharaaro ka hor ayaa la sii qurxiyaa oo indha kuul ayaa loo sameeyaa, ayadoo maadadka ama sunniyaha loo marinayo Cillaan madow, taas oo ka qeyb ka ah u diyaar garowga ciidda.

Aljeeriya waxaa subaxda ciidda intaan salaadda la oogin dadweynuhu waxay u daawasho tagaan cayaar hardin ah oo dhex marta laba wan oo xog leh.

Bakistaan bil ka hor ciidda ayaa la sii diyaariyaaa neefka udxiyada oo inta badan geel ah, waxaana dhogortiisa lagu mariimaa ama lagu xardhaa naqshado qurux badan.

Yamen waxaa maalmaha ciidda jidadka iyo fagaareyaasha waaweyn lagu qabtaa cayaar qoob ka cayaar leh oo kooxda dheelaysaahi ay midiyo kor u baacinayaan.

Baxrayn maalmaha ciidda dadku waxay aadaan xeebta, halkaas oo ay ku dabaashaan, sidoo kalena lagu soo bandhigo nashiidooyin kala duwan.

Kuwait dharaarta ciidda markii salaada la soo dukado, raggu waxay ku aruuraan guryo waaweyn, halkaas oo ay ku wada cunaan hilibka xoolaha udxiyada, farxaddana ku wadaagaan.

Sucuudiga dhammaan xigtadu waxay iskugu tagaan guriga odayga ugu weyn qaraabada, halkaas ayayna waqtigooda ku qaataan maalmaha ciidda oo dhan.

Soomaaliya dadku maalmaha ciidda waxay badiyaan booqashooyinka qaraabada iyo hadiyadaha, sidoo kale waxay aadaan oo ay ku soo indha doogsadaan goobaha dalxiiska.