Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo ku jooga dalka Turkiga ayaa wada kulamo kala duwan oo uu la yeelanayo madaxda dalkaas.
Masuuliyiinta uu Madaxweynuhu la kulmay ayaa waxaa kamid ah wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi turkiga Hakaan Fidan oo uu magaalada Ankara kula kulmay, islamarkaana ay wada hadleen qodobo muhiim ah oo ku saabsan xariirka labada dal.
Madaxweynaha iyo Wasiirka ayaa kulankooda diiradda ku saaray arrimaha quseeya iskaashiga labada dal iyo dadaallada wadajirka ah ee lagu horumarinayo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.




From the comments