U bood dhigaalka

Midowga Afrika oo Faahfaahin Ka Bixiyay Cabsida Laga Qabo Amniga Soomaaliya Kadib Bixitaankooda

Ergayga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa u xaqiijiyay Soomaalida in ka bixitaanka ciidamada ATMIS ee dalka aysan u horseedi doonin qalqal amni, xilli lagu wado sanadkaan dabayaaqadiisa ay ka baxayaan.

Maxamed El-Amine Souef ayaa sheegay in ururka Midowga Afrika uusan ka tagi doonin Soomaaliya, iyadoo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) uu isku diyaarinayo inuu la baxo 4,000 oo askari oo dheeraad ah dhammaadka bisha June.

“Xitaa iyadoo ciidamada ATMIS-ka ay sii yaraanayaan, waxaan xaqiijin doonnaa in aysan jirin wax ammaan-darro ah,” ayuu yiri Souef ka dib booqasho laba maalmood ah oo uu ku tagay magaalada Jowhar.

Wuxuu sheegay in kala guurka ay si wanaagsan u wada shaqeyn doonaan dowladaha xubnaha ka ah federaalka (FMS), dowladda Soomaaliya, iyo saaxiibada caalamka.

Souef ayaa intii uu booqashada ku guda jiray ku ammaanay ciidamada Burundi dadaalka ay ugu jiraan ka hortagga iyo hoos u dhigidda Al-shabaab, isagoo kula dar-daarmay inay feejignaadaan oo ay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo bulshada deegaanka.

Booqashadan ayaa qayb ka ah socdaalka uu ergayga Midowga Afrika ku marayo maamul goboleedyadda si uu u qiimeeyo diyaargarowga howlgallada, daryeelka iyo niyadda ciidamada iyadoo ururka Afrika uu diyaarinayo howlgal dabagal ah kaddib bixitaanka ATMIS.

“Waxaanu u nimid in aanu qiimayno shaqada ay hayaan ciidankayaga, cid kasta oo aanu la kulanayna aad bay uga hadashay ciidamadayada oo ay ugu horeeyaan madaxweynaha, wakiilada bulshada rayidka ah, odayaasha iyo masuuliyiinta dawladda hoose, waxaanay xuseen dedaalka, khibradda iyo rabitaanka ciidankayaga. in la taageero oo laga caawiyo dhinaca iskaashiga rayidka iyo militariga iyo amniga,” ayuu yiri Souef.

Sida ku cad Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2710 (2023), ATMIS waxaa loo igmaday in 4,000 oo askari ay kala baxdo wejiga saddexaad ee ka bixitaanka ciidamada, laguna beddelo ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in uu ku kalsoon yahay doorashadii dhawaan Soomaaliya ka dhacday ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, oggolaanshaha ay ku biirtay Bulshada Bariga Afrika, iyo qaadista cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya oo sheegay in ay calaamad wanaagsan u tahay mustaqbalka dalka iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

ATMIS ayaa Soomaaliya kala baxday 5,000 oo askari, waxaana ay 17 saldhig oo ciidan ku wareejisay hay’adaha amniga Soomaaliya, intii lagu guda jiray wajigii 1-aad iyo 2-aad ee dhimista ciidamada ee sanadkii 2023-ka.

Marius Ngendabanka oo ah Taliye ku xigeenka ciidamada ATMIS u qaabilsan dhanka howlgalada iyo qorshayaasha ayaa ku celiyay sida ay uga go’an tahay howlgalka Midowga Afrika ee lagu xoojinayo dadaallada nabadeed ee ka socda gobolka iyo kala shaqeynta ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed si loo sugo ammaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle.

“Waxaan halkan u joognaa inaan Soomaaliya ka caawinno soo celinta nabadda iyo xasilloonida, waxaana sii wadi doonnaa ka shaqeynta gaarista yoolkan wanaagsan,” ayuu yiri Ngendabanka.

Ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa lagu wadaa in dalka ay isaga baxaan marka la gaaro December 2024, waxaana lagu wadaa in ay bedelaan ciidamo kale, dowladda Soomaaliya ayaa la wareegi doonto ammaanka guud ee dalka.