U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaaraha Israel oo Kasoo Horjeestay Go’aan Kasoo Baxay Milatariga

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ka soo horjeeda qorshayaasha uu ku dhawaaqay militariga oo ah in maalin kasta la joojiyo dagaalka xeeladaysan ee lagu dagaallamayo waddooyinka muhiimka ah ee soo gala marinka Gaza ee iyo duqeymaha si ay u fududaato in gargaar la gaarsiiyo halkaas.

Milateriga Israa’iil ayaa ku dhawaaqay hakad maalinle ah oo saacado kamid ah dharaar walba la joojinayo dagaalka tooska ah iyo duqeymaha si fursad loo siiyo gargaarka bini’aadantinimo ee la geynayo marinka Qaza.

Netanyahu ayaa go’aankan ka soo baxay hoggaanka ciidanka ku tilmaamay wax aan la aqbali karin, asagoo doonaya in ciidamadu ay sii wadaan weerarka aan kala joogsiga lahayn ee marinka Qasa.

“Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu markuu uu maqlay hakad bani’aadanimo oo 11-saacadood ah, wuxuu xoghayihiisa milateriga u caddeeyay in tani ay tahay mid aan la aqbali karin” ayuu yiri sarkaal Israa’iil ah oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters.

Milatariga ayaa caddeeyay in howlgallada caadiga ah ay ka sii socon doonaan magaalada Rafah, oo ah bartilmaameedka ugu weyn ee weerarrada ay ka wadaan koonfurta Qaza, halkaasoo Sabtidii looga dilay sideed askari.

Dadka ku sugan Marinka Qaza oo dhibbane u ah dagaalka iyo duqeymaha aan joogsiga lahayn ee 9-ka bilood oo xariirka ku socda ayaa ku jira xaalad bini’aadantinimo tii ugu xumayd, madaxduna indhaha ayay ku daawanayaan xasuuq maalinlaha ah ee ku socda.