Sida ay sheegayaan warka imaanayaan gobolka Galgaduud dab xoog leh oo ka dhashey gaari booyad ah oo Shidaal sida ayaa ka kacay xaafad ka tirsan magaalada Caabudwaaq oo lagu magacaabo Koowda Luuliyo.
Bulshada Xaafada ayaa isku soo baxay si ay dabkan u damiyaan, waxaana weli socda dadaalka lagu xakamaynayo, ayadoo aanay goobta soo gaarin gaadiidka dab-damiska ee degmadu leedahay, sida ay tibaaxeen wariyaasha deegaanku.
Khasaaraha dabka ka dhashay ayaan weli si buuxda loo ogeyn, balse sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinayo holac iyo uuro xoog leh oo cirka isku shareeray.




From the comments