U bood dhigaalka

Maxay Tahay Halista Aan Lagu Baraarugsaneyn ee Ku Lamaanan Maalmaha Ciidda?

Ciiddu guud ahaan dadyowga islaamka ee daafaha dunida ku kala nool iyo bulshooyinka deriska la ahba waxay u tahay ammin ama xilli farxad iyo rayn rayn leh oo dabbaaldeg iyo niyaayar astaan u ah, islamarkaana dareen wanaagsan iyo baraare mariiman.

Inta lagu jiro dharaaraha labada ciidood Soomaalidu waxay caan ku yihiin is booqashooyinka qaraabada, tagista goobaha dalxiiska, iyo is guddoonsiin hadiyada gacaltooyada iyo farxad wadaagga xambaarsan.

Wanaag wax kaama dhimo ee lur u toog hay waa oraahda Soomaalidii horee damaashaadka iyo socdaalka qoysaska ee maalmahan waxaa ka dhasha waxyaabo halis ah oo aanay dadku ku baraarugsanayn.

Halistaas waxaa qeyb ka ah lumidda carruurta ee goobaha dalxiiska iyo raacidda gaadiidka ayadoo aan qof weyni la socan, taas oo sababi karta in ubad badani ay guryohooda ka ambadaan, islamarkaana baadigoobkoodu dharaaro idil lagula dhibtoodo.

Jidadka iyo meelaha mashquulka badan ayaa mararka qaar lagu arkayaa carruur yar yar oo aan cidana la socan, kuwaas oo dadka weydiinaya goob magaalada kamid ah oo aanay dhinaca ay ka jirto garanayn, balse uu socdaalkoodu ku jeedo.

Sidoo kale waxaa kamid ah qalabka ay carruurtu ku cayaaraan, gaar ahaan kuwa hubka u eg oo nabad-galyada lid ku noqan kara, islamarkaana kooxo ma naxayaal ihi ay dadka ku qalqal-gelin karaan, ama ciidanku intay qoryo iyo bastoolada run ah moodaan ay ilmaha wata waxyeello aan ku talo-gal ahayn u geystaan.


Goobaha dalxiiska qaarkood ayaa ayagana dhib lagala kulmi karaa, gaar ahaan ku damaashaadka doomaha oo dadka aan dabaasha aqoon naftooda halis gelin karta, islamarkaana loo baahanyahay in laga foojignaado.

Si kastaba ha ahaatee dadweynaha waxaa la gudboon inay ka foojignaadaan saameynta taban ee ka dhalin karta dharaarahan farxad leh, balse dammanaanta iyo dareen la’aanta aan ku feecnayn oo taxadarku uu lama huraanka yahay