U bood dhigaalka

Xubin Ka Tirsan Al-shabaab oo Isku Soo Dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka

Ibraahim Sheekh Aadan oo magaca afgarashada kooxda Alshabaab dhexdeedu ahaa (Yowkoyow) ayaa isku soo dhiibay laamaha nabad-galyada degmada Waajid ee gobolka Bakool, sida ay sheegtay warbaahinta dawladdu.

Ibraahim oo muddo 16 sano ah ka tirsanaa Alshabaab ayaa waqtigiisa inta u badan kusoo qaatey qaybta Jamhada ugu yeeran kooxda, wuxuuna ka waramay sababta keentay in uu Alshabaab iskaga soo tago, isagoo tilmaamay inuu muddo dheer qorsheynayay sidii uu isku soo dhiibi lahaa.

Dhallinyarada kale ee weli kamid ah dagaalamayaasha Alshabaab ayuu ugu baaqay in ay iskaga soo baxaan, iskuna soo dhiibaan dowladda, sida ay qortay wakaaladda wararka ee SONNA.

xubna ka tirsan Alshabaab ee ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanku isku soo dhiibaya ayaa kordhay bilihii la soo dhaafay, ayadoo ciidamada ay howl-gallo xooggan ka wadaan deegaanno badan oo ka mida gobollada dalka.