U bood dhigaalka

34 Ruux oo u Geeriyootay Cabsita Khamri Aan Sharci Aheyn Gudaha Dalka Hindiya

Ugu yaraan 34 qof ayaa dhimatay, iyadoo tobanaan kale lagu daweeyay isbitaal, ka dib markii ay ku cabbeen khamri si sharci darro ah looga soo saaray gobolka Tamil Nadu ee koonfurta Hindiya, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Afhayeen u hadlay dowlad gobolleedka deegaankaas ayaa xaqiijiyay dhimashada ka dhalatay cabista khamriga ay ku jirto maadada halista ee methanol.

“Dembiyada noocan oo kale ah ee bulshada burburiya waxaa lagu xakameyn doonaa gacan bir ah, “ayuu yiri madaxa gobolka MK Stalin oo soo dhigay bartiisa bulshada ee X.

Arrintan ayaa ka dhacday degmada Kallakurichi, halkaas oo in ka badan 100 qof oo la ildaran matag, iyo calool xanuun la dhigay isbitaallada, taasoo dhalisay baaritaan ay boolisku sameeyeen.

Mas’uul ka tirsan degmada MS Prasanth ayaa sheegay in tirada bukaannada ku jira xaalad halis ah ay isbedeshay, taasoo soo keentay in dhimashadu ay sare u kacdo.

Dowladda gobolka ayaa bayaan ay soo saartay ku xaqiijisay in ay shaqada ka joojisay ugu yaraan 10 mas’uul oo ay ku jiraan aruuriyaha degmada iyo taliyaha booliiska, waxayna laama nabad-galyadu qabteen hal qof oo iibinayay khamriga sharci darrada ah iyo 200 litir oo qamri lagu daray maadada methanol, sida ay dawladu sheegtay.

Gaadiidka gurmadka deg dega ah, dhaqaatiir iyo xeeldheereyaal ah ayaa la geeyay degmada si ay wax uga qabtaan dhibaatada dhacday, waxaana laga cabsi qabaa inay sii kororto tirada dhimashadu.