Filibiin ayaa ku eedaysay Ilaalada Xeebaha Shiinaha inay u dhaqmaan sidii burcad-badeed, iyadoo sheegtay in ciidan ku hubaysan mindiyo iyo warmo ay qalqal geliyeen maraakiibtooda iska horimaadkii ugu dambeeyay ee badda lagu muransan yahay ee Koonfurta Shiinaha.
Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida General Romeo Brawner ayaa sheegay in falkani uu dhacay 17-kii Juunyo, iyadoo askarta Filibiin ay isku dayayeen in ay dib u soo celiyaan badmaaxiin ku sugan badda Sierra Madre, oo Manila ay maamulaysay tan iyo sanadkii 1999-kii.
“Ilaalada Xeebaha Shiinaha waxay ciidankeena kula dagaalameen gacmo qaawan,” ayuu ku Taliyaha Ciidanka Filibiin ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.
Wuxuu intaa ku daray”Annaga ayaga ayaa naga tiro badnaa, hubkooduna wuxuu ahaa lama filaan, balse ciidankeenu waxay ku dagaalameen wax kasta oo ay haystaan.”




From the comments