Afhayeenka militariga Israa’iil ayaa daaha ka qaaday khilaafka sii ballaaranaya ee u dhaxeeya hoggaanka siyaasadda iyo ciidamada, isagoo su’aal galiyay hadafka dagaalka lagu hoobtay ee marinka Qasa oo uu sheegay Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu inuu yahay burburinta Xamaas.
Ka dib sagaal bilood oo dagaal ah oo in ka badan 37,000 oo Falastiiniyiin ah lagu dilay magaca ciribtirka kooxda hubaysan ee Maxaas, Rear Admiral Daniel Hagari ayaa u sheegay TV-ga Channel 13 ee Israa’iil in hawshu ay ahayd mid aan macquul ahayn oo si fudud “khalad”.
“Xamas fikradeedu Waxay ku qotontaa quluubta dadka, qof kasta oo u malaynaya inaan baabi’in karno Xamaas waa khalad.” ayuu yiri janeraal Hagari.




From the comments