Warbixin kasoo baxday Xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in duqeymaha Israel ay ka waddo Gaza “laga yaabo in ay si isdaba joog ah u jebiyeen mabaadi’da aasaasiga ah ee sharciyada dagaalka.”
Xafiiska xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay, in baaritaan lagu sameeyay ilaa lix duqeyn oo cirka ahaa oo ay ciidamada Isra’il ka fuliyeen Gaza inti u dhaxeyay bilihii October iyo December ee 2023-ki, lagu xaqiijiyay dilka in ka badan 200 oo ruux.
Duqeymahaas ayay warbixintu sheegtay in lala beegsaday dhismooyin ay shacab daganaayeen, iskuulli, suuqyo iyo xerooyin qaxooti oo dhammaantood ku yaalla Gaza.




From the comments