Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa daahfuray imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad oo ay sanadkan u fariisanayaan ku dhowaad 40 kun oo arday, kuwaas oo kala joogaa caasimadda iyo gobollada dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyay habka ay u socata howsha imtixaanka ee ay waddo Wasaaradda Waxbarashadu, wuxuuna ardayda kula dardaarmay ardayda inay dadaalaan oo ay imtixaanka si feecan uga shaqeeyaan, ayagoo faray howl-wadeenada iyo kormeerayaasha Wasaaradda inay adkeeyaan masuuliyadda adag ee ilaalinta imtixaanka.
“Maanta waa maalin weyn oo la xaqiijiyey mid kamid ah himillooyinka shacabka Soomaaliyeed, waxbarashadu waa himillo weyn oo ay xukuumaddu u aragto mudnaan lamid ah amniga. Maalmaha uu imtixaanku socdo dhammaanteen waa in aan askar u noqonnaa Wasaaradda Waxbarashada oo aan kala shaqeyno sidii uu guul ugu soo dhammaan lahaa imtixaanku”




From the comments