U bood dhigaalka

Tahriibayaal Laga Soo Badbaadiyay Badda Atlaanta Halka Tiro Kamid ah ay Geeriyootay

Sida ay sheegtay Warbaahinta dalka Spain Markab nooca dalxiiska ah ayaa badbaadiyay 68 qof oo tahriibayaal ah, kuwaas oo dooni ay la socdeen laga helay meel u dhaw jasiiradda Canary. Markabka ayaa sidoo kale helay meydadka shan qof oo ka mid ahaa muhaajiriinta.

Wakaaladda Howlaha Badbaadinta Badda ee Dalka Spain ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay markab kuwa shidaalka qaada ah oo ka soo socdaalay waqooyi-galbeed ee Spain, kuna sii jeeday Brazil uu arkay doonidan muhaajiriinta ay saaraayeen oo dul sabeeneysa badda Atlaantigga intaasi ka dibna waxaa dhacday in uu u sameeyay gurmad.

Maamulka Isbaanishka ayaa u weeciyay markabka dalxiiska ee Insignia, dhinaca Jaziiradaas si uu u badbaadiyo muhaajiriinta.

Shaqaalaha markabka Insignia ayaa sidoo kale soo saaray saddex ka mid ah shantii meyd ee saarnaa doonida kalluumeysiga, iyagoo ka soo tagay meydadka labada qof ee kale sababo dhinaca cimilada oo xumeyd la xiriira.

Doonta ay saaraayeen Muhaajiriinta ayaa aheyd nooca loo yaqaanno Pirogues oo ay isticmaalaan kalluumaysatada dalalka Mauritania iyo Senegal.