Dowladda Soomaaliya ayaa wadahadal la billowday Ergada Siyaasadda ee Howlgalka Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM, kaas oo ay ujeeddadiisu yahay sidii loo soo geba gebeyn lahaa howlaha Xafiiskaas oo maalmahaan dambe hadalheyntiisu xiritaanku ay socotay.
Kulankaan oo ay isku hor fariisteen Guddi farsmo oo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay howshaa u xilsaartay iyo Guddi farsamo oo ka socda UNSOM ayaa lagu gorfeeyay sidii wax looga badeli lahaa nuuca shaqo ee xafiiskaan iyo in gabi ahaanba Meesha laga saaro sida la qorsheeyay.
Wadaxaajoodkan oo hadda billow ah ayaa toddobaadyada soo socda sii xoogeysan doona, iyada oo labada Guddi looga fadhiyo in ay dejiyaan jadwal UNSOM looga wareejinayo howlaha ay ka fuliso Soomaaliya, kaas oo muddo dheer kasoo howlgalay dalka intii uu dib u dhiska ku jiray xafiiskaan.




From the comments