U bood dhigaalka

Ruusha oo Safiirka Mareykanka Su’aalo Adag Ka Weydiiyay Weerar Ka Dhacay Gobolka Crimea

Ruushka ayaa u yeeray danjiraha Mareykanka sababo la xiriira weerarkii gantaalaha ahaa ee lagu qaaday xeebta Crimea, halkaasoo inta la xaqiijiyay ay ku dhinteen ugu yaraan afar ruux, oo ay ku jiraan carruur, ayna ku dhaawacmeen 151.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Moscow ayaa sheegtay isniintii in ay u yeertay danjire Lynne Tracy si ay ugu sheegto in ay si toos ah Mareykanka ugu eedeyneyso weerarkii gantaallada ee Axaddii ka dhacay meel u dhow magaalada Sevastopol.

Tan iyo markii Ruushku soo weeraray Ukraine bishii Febraayo 2022 Moscow waxay si joogta ah u sheegatay inay si wax ku ool ah ula dagaalamayso colaad ay reer galbeedku soo xawileen oo ay Ukraine wakiil ka tahay.

Go’aan dhowaan uu Maraykanku ku oggolaaday in Ukraine ay u isticmaasho hubka uu siiyo bartilmaameedyada gudaha dhulka Ruushka ah ayaa halis ayaa keenaya inuu sii xumaado xariirka labada dhinac, waxaana ka dhalan doonaa cawaaqib xun, sida lagu sheegay war ka soo baxay Kremlin-ka.

Weerarkii Ukraine ee lagu qaaday Jasiiradda Crimea ee uu Ruushku haysto ayaa loo adeegsaday shan gantaal oo ah nooca loo yaqaanno Tactical Missile System (ATACMS) oo uu Maraykanku siiyay Ukraine, sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca Ruushka.

Wasaaradda ayaa intaa ku dartay in khubaro Mareykan ahi ay dejiyeen isku xirka duulimaadyada gantaallada, iyadoo lagu saleynayo xogta laga helay satalaytka basaaska ee Mareykanka, balse M
ma jirto wax jawaab ah oo ka soo baxay Mareykanka, oo bilaabay in uu Ukraine u keeno gantaalada horaantii sanadkan.