Dowladda Kuuriyada Koonfureed ayaa amar ku bixisay in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo amaanka goobaha warshadaha ah maalin kaddib markii uu dab qabsaday warshad batariyada sameysa, taasoo ay ku dhinteen 22 qof oo shaqaale ah, iyadoo weli la la’yahay hal qof.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta Qaranka,Booliska iyo Dabdamiska ayaa gudaha u galay Warshada,kuwaasi oo baaritaano ka wada, islamarkaana daba-gal ku samaynaya sababta keentay dabkii dhimashada badan horseeday.
Dabka oo ka kacay gudaha bakhaar ay ku jiraan 35,000 oo batariyada lithium-ka ah ayaa sababay in shaqaalihii ku sugnaa ay miyir beeleen oo ay ku dhintaan ilbiriqsiyo gudahood, ayagoo ku sumoobay qiiqii goobta ka baxayay, sida ay sheegeen saraakiisha dab-damisku.




From the comments