U bood dhigaalka

Milkiilaha Website-ka Siraha Faafiya ee WikiLeaks oo Todobaadkaan Xoriyaddiisa Haleya Kadib Xabsi Dheer

Juliana Assange oo ah aas-aasaha website-ka WikiLeaks ayaa la filayaa in todobaadkaan uu qirto inuu danbi galay kuna xadgudbay sharciga basaasnimada Mareykanka, qirashadaas oo uu ku baddalanayo in laga sii daayo xabsiga uu ku xiranyahay ee dalka Ingiriiska, kaddibna dib loogu celin doono dalka uu u dhashay ee Australia.

Dacwad oogayaasha Mareykanka ayaa dukimintiyo ay Isniintii u gudbiyeen maxkamadda ku sheegay, in Assange oo 52 jir ah uu ogolaaday in uu qirto dambiga kaliya ee lagu soo oogay oo ah in uu maleegayay, in uu helo oo uu shaaciyo dukumeentiyada difaaca qaranka Mareykanka ee sirta ah.

Maxkamadeyntiisa ayaa aroornimada hore ee Arbacada berrito ah ka dhici doonta waqooyiga jasiiraddaha Mariana oo ee hoos yimaada Dowladda Mareykanka, kuna yaalla waqooyiga-galbeed ee badda Baasifigga.

Muddada todobada sano ee uu xirnaa ayaa la filayaa inuu loo xisaabiyo xabsi uu qaatay, kaddibna la fasaxo.

Website-ka WikiLeaks ayaa sannadki 2010-kii baahiyay boqollaal kun oo dukumintiyo sir qaran ah oo uu leeyahay millatariga Mareykanka.

Dukumintiyadaasi ayaa u badnaa kuwa millatariga Mareykanka ee dagaalladi Afghanistan iyo Iraq. Dusinti sirta milatari ee Mareykanka ee Wikileakes ayaa noqday kugu ugu ballaarnaa ee taariikhda Mareykanka.

Assange ayaa marki hore sannadki 2010-ki lagu xiray dalka Britain kaddib marki ay maxkamad ku taalla Sweden u jartay waaran lagu soo qabanayo, kaddib marki lagu eedeeyay danbi kufsi ah oo marki danbe laga laabtay.

Kaddib ayuu u cararay oo uu iska dhiibay safaaradda Ecuador ee London, kalkaas oo uu ku noolaa muddo 7 sano ah. Ugu danbeyntii sannadki 2019-ki ayaa laga soo xiray safaaradda, oo loo diray xabsiga Belmarsh ee magaalada London.