U bood dhigaalka

Weerar Ka Dhacay Qasa oo Lagu Dilay Shaqaale Samafal iyo Haweeney ay Walaalo Yihiin Ismaaciil Haniya

Ciidanka Israel ayaa weerar ka dhacay Qasa ku dishay tiro dad ah reer Falastiin ah oo sidoo kale ay ku jiraan ilaalada baabuurta gargaarka, kadib markii la weeraray dad mucaawino doon ah oo ku sugnaa deegaanka Khan Younis oo ay kusoo barakeen Falastiiniyiin badan.

Dadka la dilay ayaa ayaa tiro ahaan gaaray dhowr 10 ruux ruux, waxaana la sheegay in ay kamid aheyd haweeneey la dhalatay madaxa Ururka Xamas Ismaaciil Haniyah,taasoo lagu dilay weerar ka dhacay xerada al-Shati halkaas oo weerarka uu dhacay Israel ay qaaday.

Madaxa Hey’adda UNRWA ee dadka Falastiin u qaabilsan gargaarka bini’aadanimo ee Qaramada Midoobay ayaa ku waramaya in xaalad adag ay ka taagan tagay Qaza, waxaana uu in ka badan 495,000 Falastiiniyiin ah ay soo food saartay cunto yari iyo macluul daran.

Warar ayaa sheegaya in Gaza xilligaan ay tahay deegaan la xaalufiyey,carruurta Falastiinna waxay u dhimanayaan nafaqo-xumo iyo fuuqbax,iyadoo cunto iyo biyo nadiif ah laga sugayo gawaarida hey’adaha samafalka ee tagaya halkaasi ay Israel culeys ay saareyso.

Dhinaca kale,Ra’iislwasaaraha  Israel ayaa sheegay in dagaalku sii socon doono xitaa haddii heshiis xabad joojin ah lala gaaro Xamaas, Kooxda falastiiniyiinta ayaa sheegay in hadaladiisa ay muujinayaan in uu diiday hindise xabbad-joojin ah oo uu soo bandhigay madaxweyne Biden.

Tan iyo markii uu bilowday dagaalka ka socda Qaza ugu yaraan 37,626 qof ayaa la dilay, 86098 kalena waxaa lagu dhaawacay dagaalka Israa’iil ee Gaza tan iyo Oktoobar 7-dii, markaas uu qarxay dagaalka u dhaxeeya labada dhinac ee ka socda marinka Qaza oo xasuus ba’ani ka socdo.