Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo kaashanaya Hay’adaha nabad-galyada Caasimadda ayaa soo xiray eedeysanayaal gaaraya 9 Askari oo ka kala tirsan Ciidammada qalabka sida.
Askartan ayaa loo haystaa inay jabiyeen amar boolisku ay soo saareen oo ku saabsanaa in aan la ridi karin rasaas loogu dabaaldagayo maalmaha xoriyada, si aan dadweynaha waxyeello u soo gaarin.
Raggan waxaa hadda ku socda baaritaanno kala duwan maadaama ay jiraan khasaaro ka dhashay xabadihii sharci darada ahaa ee ay ridee xalay, sida lagu yiri war ka soo baxay booliska.




From the comments