Madaxweynaha Kenya William Ruto, ayaa ku dhaawaqay inuu ka laabtay Sharcigii Maaliyadda ee Banaanbaxyada rabshada wata sababay, isaga oo sheegay inuu u tanaasulay Shacabka Kenya oo xilligaan la daalo dhacaya sicir barar.
Ruto oo hadlay xilli ay xaaladdu faraha kasii baxayso ayaa u muuqda inuu dalkiisa ka badbaadinayo qalalaasaha sii kordhaya ee dhaqaala xumada iyo canshuuraha xad-dhaafka ah oo ay dowladdu soo rogtay ka dhashay.
Madaxweynaha ayaa dhanka kale qiray xaaladda guud ee dalka ka taagan isla markaana uu tixgelinayo dareenka shacabka oo si adag uga soo horjeestay ansixinta Sharciga uu asaga qudhiisu markii hore ku adkaysanayay.




From the comments