U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Isku Day Afganbi oo Ka Dhacay Dal Ku Yaalla Koonfurta America

Madaxweynaha dalka Bolivia Luis Arce ayaa sheegay in ay fashiliyeen isku day afganbi oo ay fuliyeen cutubyo ka tirsan millatariga dalkaasi, kuwaas oo muddo kooban heystay madaxtooyada iyo aqalka baarlamaanka, ka hor inta aysan dib uga soo laaban.

Cutubyo ka tirsan milatariga oo uu hoggaaminayay Jeneral Juan Jose Zuniga, oo dhawaan laga xayuubiyay xilka taliyaha ciidanka xoogga, ayaa isugu soo baxay fagaaraha u dhaw qasriga Plaza Murillo, oo ay ku yaallaan madaxtooyada iyo Congress-ka.

Kolonyo baabuurta gaashaamman ah oo ay saarnaayeen askarta qabsatay madaxtooyada Bolivia, ayaa iyaga oo si saf ah ku socda dib uga soo laabtay qasriga madaxtooyada.

Bqollaal ka mid ah taageerayaasha madaxweynaha ay si dhaqso ah waxa ay buuxiyeen fagaaraha ku yaalla bannaanka qasriga madaxtooyada.

Iyaga oo lulaya calanka kuna heesaya astaanta qaranka Bolivia, ayaa waxaa u gacmo-haatiyay madaxweynaha oo ay hareeraha ka joogeen wasiirradiisa.

Madaxweyne Arce ayaa u mahadceliyay dadki isugu soo baxay fagaaaraha. Wuxuu wacad ku maray inuu meel adag ka istaagi dooni afganbiga, isaga oo markiiba taliye cusub u magacaabay ciidanka millatariga.

Saacado yar kaddib, booliska Bolivia ayaa xiray jeneraalki ka danbeeyay isku-dayga afgani, kaddib marki uu xeer-ilaaliyaha guud uu furay dacwad ka dhan ah jeneraal Juan José Zúñiga.

Wasiirka arrimaha gudaha Bolivia, Eduardo del Castillo ayaa warbaahinta u soo bandhigay Jen. Juan José Zuñiga, oo hoggaaminayay iskudaygii afgambiga laga hortagay ee Bolivia , kaaso markii warbaahinta loo soo bandhigay katiinad looga xiray gacmaha, isagoo gashan jaakadda aan xabbadu karin oo ay ku qorantahay ‘waa la xiray’.

Sarkaalkan wuxuu wajahaya inuu halis galiyay nolashada madaxweynaha iyo nidaamka Bolivia, iyadoo sidoo kale lagu soo oogi karo mas’uuliyada illaa sagaal qof oo ku dhaawacmay rasaas la riday inta uu afgambiga socday, kaa oo ay si adag uga hortageen shacabka Bolivia.