Guddoonka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo maanta ku dhintay magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid Allaha u naxariistee Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, isagoo ku tilmaamay haldoor dadka Soomaaliyeed taariikh weyn ku leh, islamarkaana uu waqti badan galiyay dowladnimada Soomaaliya.
Dhankiisa Guddoomiyaha aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid marxuumka,asagoo Alle uga baryay inuu naxariistii janno ka waraabiyo.




From the comments