U bood dhigaalka

Gudoomihii Hore ee Golaha Shacabka oo Geeriyooday Kumuu Ahaa Jawaari?

Gudoomihii hore Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa goor dhow ku geeriyooday magaalada Muqdisho Sida ay xaqiijiyeen masuul ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

La taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha dastuurka Xuseen Sheekh Maxamuud oo ka mid ah dadka sida aadka ugu dhawaa Gudoomiye Jawaari ayaa xaqiijisay geerideeda.

Gudoomiyaha Jawaari ayaa bukaan socod ahaa sanadyadii lasoo dhaafay iyadoo dhowr jeer laga soo dayriyay xaaladdiisa caafimaad.

Maxamed Sh. Cusmaan jawaari waxa uu 7dii bishii December ee sanadkii 1945tii ku dhashay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelada Hoose.

Dhinaca tacliinta sare, waxa uu sanadku markuu ahaa 1982 ka qalan jabiyey kulliyadda Qaanuunka ee Jaamacadii Ummadda Soomaaliyeed, isaga oo xiligaas ka horna qaatay shahaado macalinimo oo luuqadda Ingiriiska iyo dimploma sharciga Islaamka ah.

Sanadkii 2012 ayaa loo doortay Gudoomiyaha Golaha Shacabka. Waxaa sidoo kale mar kale dib loo doortay 2017 kii wallow uu xilkaaasi iska casilay 2018 kii.

Prof Maxamed Cismaan Jawaari wuxuu horay u soo noqday wasiir dhowr jeer ka tirsanaa dowladii Maxamed Siad Barre ee xukunka laga tuuray sanadkii 1991. Wuxuu kaloo dowladaas ka qabtay xilal kale oo dhowr ah.

Tababar ahaan, waa qareen, wuxuuna prof Jawari horay u soo guddoomiyay guddiga madaxa bannaan ee dastuurka ee soo diyaariyay dastuurkii ugu dambeeyay.