U bood dhigaalka

Wasiirka Amniga Jubbaland oo Ku Baaqay in Wadajir Loo Wajaho Dagaalka Al-shabaab

Wasiirka Wasaaradda Amniga dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ka hadlay Howl-gallada ka socda deegaanada Jubbaland oo ay wadaan Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dowlad gobolleedku oo maalmihii la soo dhaafay tuulooyin dhowr looga saaray gacanta Alshabaab.

Sarreeye gaas Yuusuf Xuseen Cusmaan ayaa sheegay in loo baahanyahay in si wadajir ah loo wajaho gulufka Alshabaab oo ay dowladda Soomaaliya iyo dowlad gobolleedyadu iska kaashadaan sidii magaalooyinka iyo deegaanada ay kooxdu wel maamusho looga saari lahaa, islamarkaana aan la dhayalsan dagaalka.

Wasiirka ayaa sidoo kale dowladda ugu baaqay in goobaha laga soo saaray kooxda Alshabaab ay di degdeg ah u gaarsiiso adeegyada dowliga, islamarkaana laga hirgeliyo kaabeyaasha aas-aasiga ah ee nolosha.

Hadalka Sarreeye Gaas Yuusuf Xuseen Cusmaan Wasiirka amniga Jubbaland ayaa ku soo beegmaya xilli uu howl-galka dhanka ah kooxda Alshabaab si xoog leh uga billowday deegaanada dowlad gobolleedkaas, islamarkaana kooxda loogala wareegay deegaanno ay kamid tahay buulo xaaji.