U bood dhigaalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Ayaan Darro Ku Tilmaamay Heestii Hargeysa Xabashi Looga Amaanay

Wasiir arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay inay ayaan darro tahay in xilli ay Dadka Soomaaliyeed oo u dabaal-degaya maalmaha Xoriyadda in Hargeysa looga heeso qowmiyad kamid ah Itoobiya oo qudheedu kamid ah gumeysteyaashii halganka lala galay.

Wasiirka oo ka hadlay munaasabadda magaalada Muqdisho lagu qabtay ayaa sheegay in xorriyadda halgan dheer oo dhiig badani ku daatay loo soo maray, islamarkaana aanay habboonayn in madal madax-bannaanida loogu dabaaldagayo lagu raaligeliyo Itoobiya oo aan weligeed qancayn.

Hadalka wasiirka Fiqi ayaa ku soo beegmaya xilli habeennimadii 26-ka juun ee madax-bannaanida loo dabaaldegayay magaalada Hargeysa laga qaaday hees hal ku dheggeedu ahaa ” ma lihin cadow xamar iyo Garoowe ka daran”.