Magaalo madaxda dalka ee Muqdisho waxaa aas qaran oo ballaaran loogu sameeyay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya professor maxamed shiikh Cismaan Jawaari oo shalayto galinkii dambe geeriyooday.
Aas ayaa waxaa ka qayb-galay madaxda dalka ugu sarreysa oo uu madaxweyne xasan sheekh ugu horreeyo,Ra’iisul wasaare Xamse, guddoonka Baarlamaanka, wasiirro iyo xildhibaanno badan, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan goloayaasha kala duwan ee dowladda Soomaaliya.
Madaxda ayaa aaska ka dib siyaabo kala duwan uga hadlay geerida marxuum jawaari, asagoo ku tilmaamay shaksi dalkiisa iyo dadkiisa waqti badan geliyay, islamarkaana ahaa waddani dowlad dhiska Soomaaliya kaalin weyn oo lagu xasuusan doono ka soo qaatay.




From the comments