Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay Munaasabad lagu xusayay Madaxweynihii Koowaad ee Soomaaliya Alle ha u naxariistee mudane Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde)
Madaxweynaha oo Aadan Cadde ku tilmaamay aasaasihii dowladnimada Soomaaliya iyo hoggaamiyihii dimuquraadiyadda Qaradda Afrika ayaa sheegay in dowladdu ay hirgalindoonto Maktabad lagu kaydiyo taariikhda iyo wax qabadkii Madaxweyne Aadan Cadde.
Waxaa uu xusay in ay go’an tahay sidii loo xusi lahaa dadkii muhiimka ahaa ee dalkaan u dhintay iyagoo difaacaya horumarka.




From the comments