Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska munaasabadda 1-da Luulyo oo ku beegan 64-sano guuradii ka soo wareegatay xorrnimadii gobolada koonfureed ee dalka Iyo midowgii waqooyi iyo koonfur.
“Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan waxaan ugu hambalyeynayaa xornimada iyo midnimada dalkeena oo 64-sano ay kasoo wareegatay,waxaana maalmahan xorriyadda ay naga mudanyihiin inaan xusno maadaamaa ay ka turjumayaan qiimaha qarankeena Iyo midnimadeena“ ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay guud ahaan dadka Soomaaliyeed midnimo si loo adkeeyo dowladnimadeena, waxaana uu sheegay in dowladnimada Soomaaliya hada ay sameyneyso horumar dhinac walba ah muhiimna ay tahay in shacabka Soomaaliyeed ay garab istaag u muujiyaan dowladooda.




From the comments