Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay Munaasabadda Calan-saarka habeenka 1-da Luuliyo oo ku astaysan 64 sano guurada xornimada Gobollada Koonfureed iyo midowga Labadii Gobol ee Waqooyi iyo Koonfurta ee 1960-kii.
Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qeybgalay musuuliyiin kala duwan oo ka tirsan goleyaasha dowladda, ciidanka cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo salaam Sharaf siiyay calanka iyo madaxweynaha, 64 sano ka hor halkii laga saaray calanka lagu midoobay ee lagu dhisay Soomaaliya.
Dabaaldegga Luulyo ayaa sidoo kale lagu qabtay xarumaha dowlad goboleedyada dalka iyo maamuka Kumeel gaar ah ee SSC Khaatumo oo 33 sano kadib xalay laga taagay calanka Buluugga ah magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo caasimad u ah maamulka SSC Khaatumo.




From the comments