U bood dhigaalka

Akhriso:Maxaa Looga Hadlay Shirka Sanad Laha ee Dowladda iyo Qaramada Midoobay?

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta si wadajir ah magaalada Muqdisho ugu qabtay shirka sanadlaha ah ee Guddiga Wadajirka ah ee (JSC) ee looga hadlo horumarka laga gaaray qaab-dhismeedka Horumarinta Joogtada ah ee Qaramada Midoobay (UNSDCF) ee Soomaaliya (2021-2025).

Shirkan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa si wadajir ah u shir guddoomiyay Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene) iyo Ku-xigeenka Wakiilka Soomaaliya ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Isku-duwaha Arrimaha Banii’aadamnimada, Mudane George Conway, waxaana diiradda lagu saaray doodo istiraatijiyadeed iyo waafajinta taageerada QM ee qorshayaasha mudnaanta u leh Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shirka waxaa kasoo qeybgalay mas’uuliyiin ka socday dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka howlgala dalka. Qodobadii ugu muhiimsanaa ee shirka laga soo saaray ayaa waxaa ka mid ahaa soo bandhigida iyo ansixinta Warbixinta Natiijooyinka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya 2023 iyo qorshaha istiraatijiyadeed ee 2024-ka, waxaana dib u eegis lagu sameeyay waxyaabihii u qabsoomay 2023 waxayna soo bandhigeen qorshaha istaraatiijiyadeed ee sanadka soo socda.

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene) ayaa ku nuux-nuux saday muhiimadda uu leeyahay iskaashigan, waxa uuna yiri, “ Qaab-dhismeedka Iskaashiga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (2021-2025)waxa uu daliil cad u yahay wada shaqaynta xooggan ee Dowladda Soomaaliya la leenahay hay’adaha Qaramada Midoobay, oo si wadajir ah kor u qaadeysa Qorshaha Horumarinta Qaranka iyo himilooyinka horumarineed ee joogtada ah (SDGs). Waxaa naga go’an inaan xaqiijinno in horumarkan uu wax ka bedelo nolosha dadka Soomaaliyeed.”

Qaab-dhismeedka Iskaashiga Horumarinta Joogtada ah ee Qaramada Midoobay (2021-2025) waa qorshaha istaraatiijiyadeed ee hagaya taageerada wadajirka ah ee hay’adaha ee lagu xaqiijinayo Ajendaha 2030 ee Horumarinta Joogtada ah iyo Yoolalka Horumarka joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.