U bood dhigaalka

Koox Hubeysan oo Saddex Qof Ku Dishay Galgaduud

Koox hubeysan ayaa Saddex qof oo xoolo dhaqato ah ku dilay baadiyaha deegaanka Dalsan oo hoos yimaada degmada Caabudwaaq ee Galgaduud,

Dilkaan ayaa salka ku haya aano qabiil. Maleeshiyaadka dilka geystay ayaa ka yimid dhanka degmada Cadaado.

Kooxda dilka geystay ayaa si nabad ah goobta uga tagay iyadoo aysan jirin cid gacanta ku dhigtay.

Baadiyaha deegaanka Dalsan hadda waxaa ka taagan xiisad ka dhalatay dilka ay geysteen kooxdda hubeysan.

Galmudug ayaa billihii lasoo dhaafay waxaa kordhay dilalka la xariira anooyin qabiil.

Sidoo kale gobollada Galgaduud iyo Mudug ayaa waxaa ka dhacay dagaallo socday saacado badan oo u dhaxeeyay laba beellood.

Galmudug ayaa ku guuldareystay in ay xal u hesho dagaal beeleedyada iyo dilalka la xariira anooyinka qabiil.