U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Safar Ku Gaaray Deegaanka Wargaadhi ee SH/Dhexe

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow gaaray magaalada Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo uu kulamo gaar ah kula leeyahay saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee dagaalka kula jira kooxda Alshabaab.

Inkastoo aan horay loo sii shaacin haddana safar madaxweynaha ayaa salka ku haya dardargelinta dagaalka iyo howlgallada ka dhanka ah kooxda Alshabaab, sida xoga hoose oo ku dhowi ay sheegeen.

Wargaadhi waxaa ku sugan cutubyo ka tirsan ciidanka qalabka sida gaar ahaan xoogga dalka iyo kuwa macawislayda oo dagaal xooggan kula jira kooxda Alshabaab, islamarkaana halkaa saldhigyo ku leh.