U bood dhigaalka

Maxaa Kasoo Baxay Kulankii Soomaaliya iyo Itoobiya Ku Dhexmaray Turkiga?

Dawladda Turkiga ayaa magaalada Ankara ku casuuntay Wuufuud kala matalaysa Soomaaliya iyo Ethiopia si looga wadahadlo xiisadda taagan.

Kulamada labada dhinac ma ahayn kuwa fool ka fool ah maadaama ay Dawladda soomaaliya meel adag ka taagantahay qaddiyadda la xiriirta ilaalinta Midnimada iyo Madaxbanaanida Qaranka,.

inkastoo gabagabadii shirka ay goobjoog ka wada ahaayeen labada wafdi warmurtiyeed wadajir ah oo uu soo jeediyey dhexdhexaadiyaha wasiirka arrimaha dibedda dalka Turkiga.

Kulankaan oo ahaa kii koowaad ayaa soo gabangaboobay waxaana lagu balamay wareeg labaad oo wadahadal ah 02 September 2024.

Wadahadalka ayaa si weyn loogu kala aragti duwanaa Gaar ahaan Dawladda Soomaaliya oo mawqifkeedii hore ee ahaa in Dawladda Ethiopia ay ka noqoto MOU-gii sharcidarrada ahaa ku adkaysatay iyo in aan wax gorgortan laga galeyn ilaalinta Madaxbanaanida dhuleed ee Dalkeenna oo u ah dawladda Soomaaliya lama taabtaan.

Dawladdu waxa ay u mahadcelinaysay Dawladda Walaalaha ah ee Turkiga kaalintooda wanaagsan ee ay ka qaateen xasiloonida geeska Afrika.