Dable Xoogga Maxamed Xiireey Maxamuud oo ka tirsan guutada Cali bin abii Daalib, ayaa loo soo xiray inuu dhaawac culus uu u geystay taliye unugiisa oo Xabad uu afka uga dhuftay, kaasi oo lagu magacaabo Dable xoogga Axmed Cabdullaahi Maxamed, falkaan ayaana ka dhacay degmadda Maxaas ee gobolka Hiiraan taariikhdu markii ay aheyd Kow iyo tobanka bishii January ee Sanadkaan.
Falka kadib Eedeysanaha oo lagu xiray Xabsi ku yaalla Guriceel, ayaa kasoo baxsaday Xabsigaasi, isaggoo soo galay Muqdisho.
Waxaana uu si dhuumaaleysiya uu in muddo ah uu ku joogay Tabeelaha Sheekh Ibraahim, Baadi goob kadib gacanta hay’addaha ammaanka ayuu soo galay Afar iyo tobanka bishii afaraad ee sanadkaan. kadib markii ay soo gacan geliyey gabar haasaawe Jaceyl la jishay, isaggoo lagu qabtay Xeebta Liido degmadda Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.




From the comments