Garsoore Maraykan ah ayaa maamulka madaxweyne Biden ka hor istaagay inuu dhaqan geliyo xeer cusub oo ka dhan ah takoorka ku salaysan aqoonsiga jinsiga ee daryeelka caafimaadka, xilli madaxweyne Biden uu caqabado wajahayo.
Xeerkan oo la soo gabagabeeyey bishii May ayaa wuxuu furay tabo cusub oo ay Waaxda Caafimaadka iyo Adeegyada Aadanaha ee Mareykanka (HHS) ku shaqayn lahayd, ayadoo lagu waday inuu dhaqan galo Jimcaha soo socda.
Garsoore Louis Guirola oo ku sugan gobolka Mississippi, ayaa amarkiisa is hor istaagga ah ku sheegay inaan mamnuucidda aqoonsiga jinsiga ee daryeelka caafimaadka waxba soo kordhinayn, maamulka Biden-na uusan awooddin inuu dhaqan-geliyo.




From the comments